Monthly Archives: November 2011

16Nov/11

Current Project

Current Project

Thecurrent project is Maakhir University which launched 10/19/2010.  To launch this project, we got help from Maakhir Community mainly Diaspora Community who resides all over the world.  The reason why we wanted to commence this project was the important we both Community and Maakhir Development Group agreed upon it that it change the lives of many of Somalis specially Sanaag Region which lacks such a higher education institute.

Anyone likes to help this project to be successful, can contact either Maakhir Development Group representatives or directly Maakhir University presedent Zekeriye Haji Said.  All contact numbers and emails are following:

16Nov/11

Nairobi Event

Nairobi (Horumar Online):- Kullan aad loo soo agaasimay oo lagu taagerayo Jaamacadda Maakhir ee Ku taalla Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa lagu qabtay Magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Kullankan ayaa waxaa soo agaasimay Jaaliyadda reer Maakhir ee ku sugan caasimada Dalka Kenya ee Nairobi, waxaana looga hadlay muhiimadda Jaamacadda iyo in loo baahan yahay horumar la gaarsiiyo adeegga waxbarashada in in markaasi fursad loo siiyo walaalaha reer Badhan iney helaan goobo ay ku bartaan aqoonta sare.

Kullankaasi oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa lagu casuumay oo kasoo qeyb galay bulshada qaybaheeda kala duwan sida aqoonyahano, Macalimiin, Haween, dhalinyaro, saxafiyiin iyo sidoo kale qaar kamida barayaasha Jaamacadda.

Furitaanka Munaasabadda

Ugu horeynba waxaa sida ay diintu qabto munaasabadda oo ahayd mid uu maqaamkeedu sareeyo lagu soo dhaweeyay Sheikh Xamsa oo halkaasui kasoo jeediyay Aayado kamid ah quraanka kariimka ah ee qowlkii eebe, kadibn awaxaa la gudo galy munaasabadii lagu taageerayay Jaamacadda iyadoo Mikrafoonka loo furay xubnihii halkaasi loogu tallo galay iney hadalo kooban ka jeediyaan isla markaana cabiraan taageeradooda ku aaddan Jaamacadda Maakhir ee degmada Badhan.

Xiriirinta oo guda gashay Munaasabadda

Wariye Jaamac Dabaraani oo si aad qurux badan xil isga saaray inuu xiriiryo madasha ayaa kadibna Mikaroonfanka qabsaday isgaoo kasoo qeyb galayaashii xafladda soo dhaweeyay isla markaana u tilmaamay muhiimadda ay kasoo qeyb galayaasha u lahayd xafladaasi ku aaddanayd in taageero dhaqaale iyo mid maadiyaba lagu taageero Jaamacadda Maakhir University ee degmada Badhan,Kadibna waxa uu xiriiriyuhu gudo galay inuu Satge-ka ku soo dhawweyo xubnihii halkaasi ka hadlay.

Codka Maakhir Community

Maadaama sida laga warqabo ay fikradda iyo hirgelinta Jaamacadda Maakhir ay katimid bulshada reer Maakhir gaar ahaana ururka horumarinta Maakhir (MDG) ayaa waxaa hadalka ugu horeynba la siiyay Maxamed Maxamuud Cabdi [Beerdhige].

Beerdhige ayaa ugu horeynba u mahad celiyay kasoo qeyb galayaashii xafladda isagoo amaan usoo jeediyay dhamaan walaalihii kullankaasi soo ajiibay isagoo dhamaan dhalinyarada Maakhir ee Nairobi ee isagu uu ka tirsan yahayna ku booriyay iney dadaalka halkaasi kasii wadaana kadibna waxa uu gudo galay Maxamed inuu Faahfaahiyo walaalihii ay niyadooda kasoo maaxatay hirgelinta Jaamacada Maakhir ee degmada Badhan.

“Walaalayaal kullankan aan maanta ku qabaneyno magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya waxa uu daba socdaa kullan aad u balaaran oo lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minneosta kaasi oo aad kala socoteen warbaahinta oo ahaa kullan lagu taageeray jaamacada Maakhir, si aan u xoojino rajada umadda ee ku aaddan adeegga waxbarashada” sidaasi waxaa Madasha Kulanka ka sheegay Maxamed Beerdhige oo isagu ku hadlayay codka Jaaliyadda Maakhir ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhinaca kale waxa uu kasoo qeyb galayaashii kullanka u faahfaahiyey dadkii ay kasoo maaxatay fikrada lagu unkay Jaamacadda Maakhir isagoo qirey in Aamina Maxamuud Ducaale oo u dhalatay deegaanka Maakhir ay lahayd fikradda laakiin ay la wadaagtay qaar kamida walaalaha jaaliyadda Maakhir iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed isagoo xusay Cabdulaahi Saalax Geel Jiree, Colonel Maxamed Cabdi Qaac, Dr Siciid Faahiye, iyo sidoo kle Proff Abshir Aw Yuusuf, isagoo dhamaan shkahsiyaadkani ku sheegay in dadaal naf iyo maalba huwan ay ku bixinayaan taabagelinta Jaamacadda Maakhir.

“Waxaan sidoo kale mahad ballaaran u soo jeedin lahaa farshaxan yaqaanka Amin Caamir oo isaguna kal hore sawir gacmeed qiimo leh ka sameeyay Jaamacadda, iyo sidoo kale isagoo Canada inta uu kasoo tagay yimid Minnesota oo Mareykanka ah si uu uga qeyb gallo kullanka jaamacadda lagu taageerayay ” sidaasi waxaa madasha kullanka ka tilmaamay Maxamed Beerdhige.

Marti Sharaftii Kullanka ka hadashay

Waxaa intaasi kadib la gudo galay kasoo qeyb galayaashii kullanka iney hadalo kookooban kasoo jeediyaan halkaasi iyadoo lagu soo dhaweeyay mikarfoonka Khakiif Ashkir Diini oo ah qoraa Soomaaliyeed oo qoray buugaag door ah oo ay kamid yihiin: Waa Sirganaxaye sax ma jirinaa, Rajo Qaran, Guur iyo Garaad iyo buugaag kale oo qaar kood lagu qoray luuqadaha Soomaaliga iyo ingiriiska.

Qoraaga ayaa aad uga hadlay Muhiimada Aqoontu ay Leedahay isaga oo Amaanay Hormuudka Jaamacada Maakhir sida Wanaagsan ee ay dal Fashilmay uga Hir galiyeen Nidaam Aqoon Heer Sare leh lagu Baranayo,  Coll Khaliif Ashkir Diini ayaa Bulshada Reer Maakhir ugu baaqay inay Garab is taagaan Jaamacada Maakhir isla markaana dhanka dhaqaalaha ka Caawiyaan.

Mar walbaba anigu waan jeclahay in dalka hooyo aqoon sare laga hirgeliyo inta kumanaanka Doolar lagu bixinayo jaamacadaha kale ee caalamkana lagu bixiyo, kuwa ku yaalla gudaha Soomaaliya sidaasi waxaa tilmaamay Khaliif Ashkir Diini oo kamida ahaa marti sharaftii Kullanka.

Macalinka Ingiriiska ka dhiga Jaamacadda Maakhir oo Kullanka goob joog ka ahaa

Macalin Arnold Shiyenji Makumba oo kamida macalimiinta ajnabiga ah ee wax ka dhiga Jaamacadda Maakhir gaar ahaana bare ka ah maadada ingiriisiga ayaa kamid ahaa marti sharafta isagoo ka sheekeeyay hanaanka waxbarashao ee jaamacadda Maakhir oo uu isagu wax kasoo dhigayay mudo 8 bilood ah.

Macalinku waxa uu tilmaamay in markii uu aadayay Badhan ay saaxiibadiis reer Kenya la yaabanayeen khatarta uga imaan karta dalka uu u safarayo maadaama Soomaaliya ay warbaahintu ka baahiso meel la isku laayo isla markaana dagaal iyo dil kaliya uu ka dhaco, laakiin meesha uu tagay ee Badhan uusan ku arkin hal marna dad is dagaalaya, isagoo xusay iney dadka deegaankaasi si weyn oo qurux badan u soo dhaweeyeen, isla markaana uu ku sifeeyay iney ahaayeen dad baahi u qabay waxbarasho.

” Markii aan tagay Badhan oo ah meesha Jaamacadu ku taalo si aad ah baa Bulshada deegaankaasi isoo dhawaysay dadku waxay ahaayeen badi dad waxbarasho Jecel markii aan Furay Albaabada Jaamaacada waxaanu Aragnay dad badan oo is qoray qaarkood Heerkii ay Markaasi Joogeen iyo Kan Maanta aad buu ukala sareeyaa Markaan ka eegno dhanka Aqoonta oo aad u Wanaagsan| Ayuur Yiri Macalinku.

Dr Mula oo ka mid ahaa Barayaashii Rugaha Waxbarasho ee Gobolka Bari Gaar ahaan Bosaaso ayaa Kulankaasi isna ka soo qayb Galay isaga xusay inay Tahay Waajib Garab is Taaga Jaamaacda Maakhir, iyo iney waaridku caruurtooda geeyaan goobaha waxbarashada maadaama ay uabdku yihiin beerii ay beri goosan lahaayeen.

Xubnaha kale ee halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa C/qaadi Khaliif Cabdi Nuur [7-Tuulo] oo ka mid ah Jaliyada Maakhir ee Kenya Saban Tuulo ayaa Amaanay Howlwadeenada Jaamacada Maakhir kuna dhiiri Galiyay inay sii wadaan dadaalkooda.

C/raxmaan  Xasan Yuusuf oo ka mid ah Ardayda Reer Maakhir ee dalka Uganda Jaamacadaha Ka Bartay ayaa sina Laga siiyay Halkaasi hadal Kooban, Ardaygaasi ayaa kula dar daarmay dhamaan Ardayda Somaliyeed  Gaar ahaana Kuwa Maakhir inay Kordhiyaan Sare u kaca Aqoontooda.

C/qafaar Axmed Shir oo ka Tirsan Wariyayaasha Qurbajoogta ah ee Nairobi isla markaan xubin ka ah Somali Revolution Forum ayaa isna Madashaasi Hadal ka soo Jeediyay isaga oo sheegay in ay Maakhir tahay mid Looga Baahnaa deegaankaasi oo ah mid Nabdoon isla markaana sidoo kale Amaanay Guddiga Jaamacadda gaar ahaana Aamina Maxamuud Ducaale iyo Cabdulaahi Saalax Geel jire.

“Ilaahay mahadiis anigu waxaan si walaalnimo iyo Soomaalinimo leh baan isku baranay walaashay Aamino Maxamuud Ducaale oo aan isku baranay bogaga isku xirka bulshada gaar ahaana Facebook, dhabtii waa gabar Soomaaliyeed oo qaaliya isla markaana wakhti aad muhiim u ah galaisay Jaamacadda Maakhir University, waxaan ka warqabaa iney gabadhaasi deggan tahay Gobolka Connecticut ee dalka Mareykanka inta badan ay mar waliba timaaddo Gobolka Minnesota oo aan ku qiyaasi karo iney isu jiraan labadaasi gobol, inta ay isu jiraan South Africa iyo Kenya oo kale, si ay uga qeyb qaadato horumarinta iyo u ololeynta Jaamacadda Maakhir University” Ayuu Cabdiqafaar ka sheegay Madasha Kullanka.

Waxa uu intaasi raaciyay in maamulayaasha iyo aqoonyanahada wax ka dhiga Jaamacadda iney muhiimad weyn iska saaraan in la hello barnaamijyo aad u dhisan gaar ahaana dhinaca waxbarashada dadka waaweyn (Adult Education Program), kaasi oo ay ka faa’ideysan karaan dumark iyo ragga aad uga weynaaday waxbarashada.

Dhinaca kale waxa uu Cabdiqafaar Tilmaamay iney muhiim tahay in hay’adaha caalamiga ah dowladaha iyo ururada u ololeeya cirib tirka burcad badeeda ay muhiim tahay iney taageeraa macaahidda waxbarashada.

Dhanka Haweenka oo Kaalin Lixaadle Kulankaasi ka soo qaatay ayaa waxa Afkooda ku Hadashay Marwo Ayaan Muuse Ismaaciil iyada oo Balan qaaday in ka Haween ahaan ay Garab is Taagayaan Jaamaacda Maakhir isla markaana dhawaana  Baaq ay u dhanyihiin soo saarayaan.

C/raxmaan Maacir oo ka mid ah Gudiga Maakhir ayaa xusay in Loo baahan yahay in Guud ahaan Taliinta deegeenka Maakhir sare loo qaado isla markaana Ku baaqay in  Magaalooyinka kale,  ee Sanaag sida  Dhahar, Xingalool, Hadaaftimo, Laasqoray, Ceelbuh dhamaantood laag Hir galiyo Gooba Taliinta sare lagu barto.

Ugu dambeyntiina guud ahaanba kasoo qeyb galaaysaahii kullanka waxay Mahad ballaaran u soo jeediyeen Guddoomiyaha Jaalaiyadda Maakhir ee Magaalada Nairobi Wariye Jaamac Ayaanle Feyte.

Horumar Online

Nairobi Kenya